Thierry Henry ayaa ka hadlayay wararka sheegaya Manchester United iney la soo wareegeyso weeraryahanka Barcelona ee Pedro.
Pedro iyo Henry ayaa ka soo wada ciyaaray Barcelona iyagoo si wadajir ah ugu guuleystay Champions league iyo La Liga.
Kabtankii hore Arsenal ayaa qaba Pedro inuu ku fiicnaa Barcelona sidoo kale hadii uu ku biiro kooxda Van Gaal inuu ku wanaagsanaan doono.
Henry ayaa sheegay inuu Pedro sameyn karo wax waliba oo uu rabo Van Gaal.
Thierry Henry ayaa sidoo kale Sheegay Van Gaal inuu yahay nin sharci adag jacelna in ciyaaryahanadiisa ay aqlaaq lahaadaan taasna Pedro waa uu ka baxsan karaa ayuu yiri.
Pedro ayey wararka sheegayaan inuu ka tagayo Barcelona kadib Finalka Supercup-ka Yurub ee habeen dambe ay Barcelona ciyaareyso.