
Rafa Benitez ayaa ilmeeyay maanta markii ay soo bandhigtay Real Madrid oo tababaraheeda cusub uu noqonayo.
Ninkan ku dhashay caasimada Madrid ayaa jeediyay maanta qudbadii ugu gaabneyd ee uu jeediyay macalin waliba oo qabta shaqada Real Madrid mudo 15 sano kadib.
Waxyaabihii uu ka hadlay waxaa kamid ahaa inuu ku faraxsan yahay ku soo laabashada gurigiisa isagoo farta ku fiiqa xiddiga hada uu tababaraha u noqonayo iney yihiin kuwii ugu fiicnaa Abid ee uu maamulo.
Benitez ayaa ka rajeeyay xiddigaha Real Madrid marka isagana la ceyriyo iney u xushmeeyaan oo ay jeclaadaan sida ay ugu xumaadeen in xilka laga qaado Carlo Ancelotti.
Macalinka ayaa sheegay Raheem Sterling iyo De Gea inuu qorshihiisa kala iibsiga ay ku jiraan xagaagan.

