Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Arsene Wenger Oo Xaqiijiyey In Xiddigiisa Jack Wilshere Uu Kulamadda Ugu Horeya Ee Horyaalka Uu Dhaawac Ku Seegi Doono.

$
0
0

Arsene Wenger macalinka kooxda reer England ee Arsenal ayaa waxaa uu shaaciyey mudada uu garoomada ka maqnaan doono xiddigiisa jack Wilshere.

Macalin Wenger ayaa sheegey in Wilshere uu garoomada ka maqnaan doono bilowga horyaalka ingriiska ee xili ciyaareedkan isagona sheegey in uu ku seegi doono dhaawac uu qabo darteed.

Arsene Wenger ayaa intaa ku daray in 23 jirkan reer England ay ka soo kabashadda dhaawiciisa qaadan doonto mudo ku siman ilaa iyo todobaadyo waxaana midaas ay ka dhigeysaa in dhaawac uu ku seegayo kulamadda ugu horeya ee horyaalka.

” Wararka aad Wilshere ka hesheen ee ah in uu dhaawac ka qabo waa run, isla markaana uu kooxda ka maqnaan doono kulamadda furitaanka horyaalka” ayuu yiri macalin Wenger.

Dhaawacyo dhanka jilibka ah oo ku soo noqnoqdey ayaa Wilshere xili ciyaareedkii hore waxaa ay u diideen in uu safto kulamo badan isagoo keliya ku soo bilowdey 9 kulan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles