Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Xabi Alonso Oo Ka Gaabsadey In Uu Kala Sheegey Cida Wanagsan Macalin Mourinho Iyo Guardiola.

$
0
0

Xabi Alonso xiddiga qadka dhaxe uga ciyaara kooxda bayern Munich ayaa waxaa uu aad uga gaabsadey in uu ka hadlo cida fiican macalinkiisi hore er Mourinho iyo weliba macalinka hadda uu la joogo ee Guardiola.

Alonso ayaa xagaagi hadda ahaa waxaa uu ku soo biirey Bayern Munich isagaaisaga soo tagay kooxdiisi hore ee Real Madrid, waxaana macalin Guardiola uu ahaa macalinkii ka danbeyey in xiddigan uu ku soo biiro kooxdan.

Haddaba Alonso ayaa saxaafada waxaa ay wax ka weydiisey in uu kala sheego cida fican macalinkiisi hore ee Mourinho iyo kiisan hadda Guardiola isagoona sheegey in labaduba ay yihiin macalimiin isaga ku qaali ah oo nolashiisa taarikh weyn ku leh.

” Aniga muhiim uma arko in aan iraahdo hebel baa hebel ka wanaagsan keliya waxaan ogahay in labada macalinba ay ii yihiin macalimiinteydii nolasheydana saameyn ku leh” ayuu yiri Alonso.

Alonso ayaan iminka ogeyn halka uu mustaqbalkiisa ku danbeyn doono xagaaga danbe marka uu heshiiskiisa kooxda Bayern Dhamaado.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Latest Images

Trending Articles