Saxiixa Cusub Barcelona ee Arda Turan ayaa laga yaabaa in lagu wareejiyo Lambarka 7 hadii uu maalmaha soo socda uu ka tago kooxda Pedro.
Barcelona ayaa xaqiijisay toddobaadkan lambaradeeda 2015-16 xiddigaha sida ay u kala xeranayaan laakiin wali waxaan la shaacin lambarada ay xeranayaan Arda iyo Vidal oo aan ciyaareyn ilaa sanadka 2016 kuna soo biiray xagaagan kooxda.
Dani Alvés ayaa lagu wareejiyay lambarkii uu Xavi xeran jiray ee No 6 isagoo horay u soo xertay lambarkii Abidal ee 2 iyo kii 22 aad.
Sida la saadaalinayo Arda Turan ayaa heli doona lambarka 7 hadii uu Pedro u dhaqaaqo Man United.