Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all 1718 articles
Browse latest View live

TOP:Karim Benzema oo la rajeynayo in goordhow London uu ugu maro tijaabada caafimaad Arsenal

$
0
0

Taageerayaasha Arsenal ayaa maqlay war farxadleh kaas oo ah Karim Benzema inuu saacadaha soo socda ee maanta uu ka soo dagayo magaalada London si uu dhameystiro ku biiristiisa Arsenal.

Warkan ayaa imaanaya Xili maanta taageerayaasha Arsenal ku dibad baxayaan barta Twitterka waxaana ay dalbadeen inta uusan suuqa kala iibsiga xermin kahor iney la soo wareegaan Karim Benzema.

benzema3

Gabar Wariye ciyaaraha soo jeedisa oo u dhalatay wadanka Venezuela ayaa laga soo xigtay warkan .

Jeinny Lizarazo ayaa Twitterkeeda ku soo qortay iney ka heshay mid kamid ilaheeda in Karim Benzema uu maanta u soo duulayo London si uu tijaabada caafimaad ugu maro Gunners.

Arsenal ayaa beerka laga xashiriyay kulankeeda ugu horeeya horyaalka Premier league waxaana 2-0 ku dhufatay kooxda West Ham.

Henry iyo tababarayaal kubada cagta ayaa Arsenal kula talinaya in Karim ay keensadaan xagaagan si ay u soo afjaraan 11-sano koob la’aan ah.


Arsenal Oo Dhibaatadda Heysata Daawadeeda Loo Sheegey (Maxay Tahay Dawadaas??)

$
0
0

George Graham macalinkii hore ee kooxda Arsenal ayaa waxaa uu shaaca ka qaadey dhibaatada rasmiga ah ee kooxdan heysta.

Arsenal ayaa shalay kulankeedi ugu horeyey ee horyaalka ingriiska waxaa ay la cciyaartey kooxda West Ham United waxaana looga adkaadey kulankasi lab gool iyo waxba.

Haddaba George Graham ayaa sheegey in dhibaatada ugu weyn ee Arsenal heysata in ay tahay weeraryahan dhaliye ah oo dhameystiran in kooxda aaney heysa.

” Dhaliyaha wanaagsan waa guusha barkeed, Arsenal dhibaatada ugu weyn ee heysata waa hogaamiye gool dhaliya ahoo aad u tayo wanaagsan ma heysato waana ay ku qasbantahay midaas in ay la soo wareegto xagaagan” waxaa sidaasi yiri George Graham.

Kulanka Labaad Arsenal waxaa ay wajihi doontaa kooxda Crystal Place waana kulan aad isagana natiijadiisa loo wada sugaayo.

Macalinka Wales Oo Ka Farxiyey Real Madrid, Manchester United-na Ka Nixiyey!!!

$
0
0

Macalinka xulka qaranka dalka Wales ninka lagu magacaabo Chris Coleman ayaa waxaa uu sheegey in Bale uusan dhawaanahan ka soo tageyn kooxdiisa Real Madrid.

Bale ayaa dhawaanahan waxaa lala xiriirinayey in uu isaga soo tagtayo kooxdiisa Madrid iyadoo kooxa badana lala xiriirinayey saxiixa Manchester Unitedba ha ugu badnaatee.

Haddaba Macalin Coleman ayaa waxaa uu sheegey in xiddigaan uusan meelna uga socon kooxdiisa Real Madrid isla markana aysan iminka jirin sabaab rasmi ah oo xiddigan ku riixeysa in uu ku soo biiro horyaalka ingriiska oo uu horey uga tagay.

Bale Ayaa Madrid ku birey sanadkii 2013kii waxaana uu xiligaas 85 Milyan uga soo dhaqaaqey kooxda Tottenham oo aad u dooneysey.

Xili Ciyaareedkiisi ugu horeyey Bale waxaa uu kooxdiisa Real Madrid la qaadey Coppa Del Ray iyo weliba Champions League.

Cisse Oo Niyad Jabiyey Kooxihii Doonayey Dhanka Kalena Ka Farxiyey Kooxdiisa Newcastle.

$
0
0

Weeraryahanka kooxda reer England ee Newcastle United Papiss Cisse ayaa waxaa uu sheegey in been abuur ay tahay wararka sheegaya in uu isaga tagayo kooxdiisa Newcastle Xagaagan.

Xiddigan ayaa saaxafa caalamku waxaa ay todobaadyadii ugu danbeyey ay isla dhex marayeen wararka sheegaya in uu isaga tagayo kooxdiisa Newcastle United oo uu dhowrki sano ee ugu danbeyey la joogey.

Kooxda reer Turkey ee Fernbahca ayaa aheyd kooxda xiddigan aadka u dooneysey sidoo kalena horyaalka kubadda cagta China ayaa isagana loga gacan haatiyey.

Balse hadal uu Cisse maanta soo saarey ayaa waxaa uu ku sheegey in kooxdiisa uu ku faraxsanyahay isla markaana uu diyaar u yahay in uu guulo la gaaro.

Cisse ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2012kii ilaa iminka waxaa uu kamid yahay xiddigaha kooxda safka kowaad u ah.

mancinni ” Jovetic Waxaa Uu U Baahanyahay Waqti Uu Kooxda Kula Qabsado”.

$
0
0

Roberto Mancinni macalinka kooxda Inter Milan ayaa waxaa uu sheegey in saxiixisa cusub ee Jovetic uu u baahanyahay waqti uu kooxda kula qabsado.

Xiddigaan Jovetic ayaa waxaa uu xagaagan kooxda Inter Milan kaga soo biirey dhanka kooxda manchester City isagoo halkan Amaah hal xili ciyaareed ah la sii joogi doona.

Haddaba Macalin Mancinni ayaa sheegey in xiddigaan uu diyaar u yahay in uu kooxda la qabsado isla markaana uu guulo wanaagsan la gaaro mudada uu kooxda la joogo, si uu kooxda ula qabsadana waxaa uu sheegey in uu u baahanyahay in uu helo waqtri.

” Jovetic waa da’ yer aad u wanaagsan kuna wanaagsan gool dhalinta waxaana doonayaa in aan halkan ka sheego in uu kooxda la qabsan doono sida ugu dhaqsiyaha badna” sidaasi waxaa yiri macalin Mancinni.

 

Jose Mourinho Oo Meesha Ka Saaray In Kooxdiisa Ay Ka Shaleysantahay Iibintii Goolhaye Petr Cech.

$
0
0

Jose Mourinho macalinka kooxda reer England ee Chelsea ayaa waxaa uu sheegey in kooxdiisa aysan marnaba tabi doonin goolhayihii isaga tagay ee Cech.

Petr Cech ayaa ku biirey kooxda Arsenal xagaagan isagoo isaga soo tagay kooxda Chelsea waxaana lagu iibsadey aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 10 Milyan oo ginni.

Kooxda Chelsea ayas kulankeedi ugu horeyey ee horyaalka waxaa ay barbaro laba gool iyo laba gool ah la gashey kooxda Swansea City waxaana kaarka casaanka laga siiyey goolhayahooda Courtois.

Haddaba maclain Mourinho ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay tabtey goolhaye Cech isagoona intaa ku daray in ay diyaar u yihiin in guulo wanaagsan ay gaaran kulamada danbe.

Kulanka kan xiyaga Chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxda Manchester City.

Muuqaal: Daawo Bandhiga Xili Ciyaareedkii Hore Ee Wiilka Ay Arsenal U Waalantahay Ee Benzema

Martin Odegaard Xiddig Yeraha Real Madrid Oo Shaaciyey In Uu Ku Faraxsanyahay Kooxdiisa.

$
0
0

Martin Odegaard da’ yerka kooxda Real Madrid ayaa waxaa uu sheegey in uu aad ugu faraxsanyahay kooxdisa Real Madrid in uu la si joogo.

16 jirkan kooxda Real Madrid kaga soo biirey dhanka koox ka dhisan horyaalka dalka Norway bishii January ee sanadkan.

Haddaba xiddigan qadka dhaxe ka ciyaara ayaa waxaa uu weli ku guuldareytey in uu kamid noqdo kooxda kowaad ee Real Madrid, iyadoo aan la ogeyn in macalinkan cusub Benitez uu ku soo dari doono shaxdiisa iyo in kale.

” Kooxda Real Madrid waa koox weyn meel kastoo ay ka ciyaartaba, mustaqbalkeygana weli halkan ayuu yaalaa, aadbanan ugu faraxsanahay in aan Madrid kamid ah ahay” sidaasi waxaa yiri Odegaard.

Kooxda Real Madrid ayaa kulankeeda ugu horeya horyaalka dalkaasi Spain waxaa ay ku bilaaban doontaa kulan ay fooda isdari doonan kooxda Sporting Gijon.


Fabio Coentrao Oo Real Madrid U Sheegey In Uu Doonayo Dib Ugu Noqoshada Kooxdisi Hore Ee Benfica.

$
0
0

Fabio Coentrao daafaca reer Portugal iyo weliba sidoo kale kooxda Real Madrid ayaa kooxdiisa u sheegey in uu doonayo in dib uu ugu noqdo kooxdisi hore ee Benfica.

Xiddigan reer Portugal ayaa horyaalka dalkaasi Spain u soo dhaqaaqey sanadku markii uu aha 2011kii, isagoona mar ahaa mid kamid ah dafacyadda ugu da’ yer ee qaarada Yurub ka ciyaari kuwoodii ugu wanaagsanaa.

Si kastaba waxaa uu ku guuldareystey iminka in uu kamid noqdo safka koowaad  ee kooxda isagoona bedel u noqdey Marcelon, waxaase uu iminka midaas ka doorbidey in uu kooxda isaga tago.

Kooxo badan ayaa jira kuwaa oo doonaya saxiixa Fabio Coentrao sida ay qorayaan wargeysyada caalamka balse Xiddigan ayaa isaga doonaya in uu dib ugu noqdo kooxdiisi hore e Benfica.

 

Akhriso: Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka West Brom VS Manchester City

$
0
0

Waxaa goor dhow soo gali doonta ciyaar aad u adag oo u dhaxeysa Manchester City iyo West  Brom waana kulan ku tirsan kulamadda todobaadka ugu horeyaa ee horyaalka ingriiska.

Hadaba Akhriste waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa shaxda rasmiga ah ee labadda kooxood ay garoonka ku soo galayaan.

West Brom:Myhill, Chester, Dawson, Lescott, Brunt, Morrison, Gardner, Fletcher, McClean, Berahino, Lambert

Kaydka:Rose, Olsson, Yacob, McManaman, Sessegnon, Anichebe, Ideye

Manchester City:Hart, Sagna, Kompany, Mangala, Kolarov, Toure, Fernandinho, Navas, Silva, Sterling, Bony

Kaydka:Caballero, Zabaleta, Denayer, Demichelis, Nasri, Iheanacho, Aguero

Ugu Danbeyn Liverpool Oo Go’aansatey In Ay Iska Fasaxdo Mid Kamid Ah Xiddigaheeda Muhiimka Ah.

$
0
0

Kooxda reer England ee Liverpool ayaa shaacisey in ay diyaar u tahay in ay dhageysato dalabka xiddigeeda Lucas Leiva uu ku doonayo in uu kooxda uga tago.

Xiddigan reer Brazil ayaa sheegey in mustaqbalkiisa kooxda Liverpool uusan iminka kala cadeyn kadib markii la safi waayey kulankii shalay kooxdiisa ay la ciyaartey kooxda Stoke City kulankaasoo ahaa mid aad u xasaasi ah.

Sida lagu daabacey Majaladda Liverpool Echo, masuuliyiinta kooxda Liverpool ayaa qorsheynaya in ay iibiyaan xiddigoodan, dalabkaas oo ah kii uu xiddigan doonayey.

28 jirkan weli labadda sano ay uga harsantahay heshiiskiisa ee uu kooxda kula joogo ayaa waxaa uu kooxdan ku so biirey sanadku markii uu ahaa 2007dadii.

 

Chelsea Oo Heshiis La Gaartey Daafac Ay In Mudo Ah Ku Raad Joogtey.

$
0
0

Kooxda reer England ee Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay heshiis la gaartey daafaca kooxda Augsburg ninka lagu magacaabo Baba Rahman.

Wiilkan reer Ghana ee ka ciyaara daafac dambeedka bidix ayaa waxaa uu kamid yahay xiddigaha aadka loola xiriirinayo in kooxda Chelsea ay ku biirayaan xagaagan, iyadoona in mudo ah aad ugu baadi jirtey.

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in labadda kooxood ee Chelsea iyo Augsburg ay isku afgarteen qiimaha xiddigan oo lagu sheegey in lagula kala wareegayo aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 17 Milyan oo ginni.

War kan oo kale ah oo iminka aan heyleyno ayaa iyagana waxaa ay sheegayaa in xiddigan Rahman uu ogolaadey ama uu heshiis shaqsi ah la gaarey kooxda Chelsea.

 

Wax Waliba aad ugu baahantahay Taariiqda Finalka Uefa Super Cup ee Barcelona iyo Sevilla

$
0
0

Ivan Rakitic oo horay kabtanka Sevilla u soo ahaa ayaa ku kalsoon Barcelona iney qaadi karto koobkan si ay u gaarto riyadeeda 2015 ee ah iney qaado Lix koob sanad gudihiisa.

Kulanka: Barcelona ? – ? Sevilla

Garoonka: Boris Paichadzis Erovnuli Stadioni, Tbilisi

Garsooraha: William Collum

Saacada:9:45 habeenimo

Maalinta:Tallaado

Taariiqda: August 11, 2015

Barcelona ayey kulankan ciyaaryahano badan ka maqan yihiin.

Neymar ayaa u seegaya kulankan bus bus ku dhacay halka Adriano, Douglas, iyo Jordi Alba ay dhaawacan yihiin.

Dhanka Sevilla saxiixyadeeda cusub ee Ciro Immobile iyo Adil Rami ayaa shaki laga gelinayaa iney ciyaaraan.

maxresdefault

Xaqiiqooyinka Ciyaarta.

Kooxahan ayaa horay u kulmay 28 jeer,Barcelona ayaa badisay 17 jeer halka Sevilla ay adkaatay uun shan jeer

Waa markii ugu horeysay finalka Super Cup ay dib ugu kulmaan kooxo horey u soo ciyaaray.

Sanadkii 2006 kooxahan Barcelona iyo Sevilla ayaa horay u ciyaaray finalka European Super Cup markaasna waxaa 3-0 ku adkaatay Sevilla.

14-Xiddig oo ka qeybgalay kulankaas waxaa haatan Barcelona ka jooga kaliya Lionel Messi iyo Andre Iniesta.

Kulamadii ugu dambeeyay kooxahan ay ciyaareen Barcelona ayaa duubatay Afar dhibcood marna waxaa ay garoonkeeda Cam Nou kaga badisay 5-1 halka 2-2 ay la gashay kulankii ugu dambeeyay.

Waa sanadkii labaad xiriir ah oo Sevilla ay ciyaareyso finalka European Super Cup waxaana sanadkii hore ay la ciyaartay Real Madrid waana laga qaaday.

Sevilla ayaan ka badin Barcelona tan iyo 2010/11 markaas oo 3-1 ay ugu adkaadeen koobka Spanish Super Cup.

Neymar ayaa Barcelona goolal u dhalinayay dhamaan finaladii uu u ciyaaray guud ahaan sida Copa del Rey, Supercopa Spain iyo Champions league.

Barcelona hadii ay koobkan qaado caawa waxaa ay noqon doontaa markii shanaad ay ku guuleysato iyadoo AC Milan kula biiri doonta kooxaha ugu badan ee koobkan qaaday.

Sevilla hal jeer oo waligeed koobkan ay qaaday waxaa ay ka qaaday Barcelona.

Dalka Spain ayaa ah kan ugu badan ee kooxihiisa ay koobkan hantay waana 12 jeer,Italy 9 jeer halka England ay 7 qaadeen kooxihiisa.

Barcelona ayaa qaaday labada Final European Supercup ay ciyaartay waxaana ay ka kala qaaday kooxaha 2-0  oo Porto  ay ugu qaadeen 2011 iyo 1-0  Shaktar 2009.

Barcelona ayaa noqon karta caawa hadii ay qaado koobkan kooxdii ugu horeysay ee seddex final  European Supercup ay ciyaartay ku guuleysatay si xiriir ah tan iyo markii koobka hal kulan laga dhigay finalkiisa 1998-dii.

Dani Alves ayaa doonaya inuu kula biiro Maldini xiddiga ugu badan ee Uefa Super Cup qaaday hadii ay caawa Barcelona qaado koobkan kaas oo noqonaya kiisii Afaraad.

Sawirada kooxda Manchester City oo si xawli ku furatay Horyaalka Premier league

$
0
0

Man City ayaa kulankeedii ugu horeeyayba waxaa ay hogaanka u qabatay horyaalka Premier league kadib markii ay ku badiyeen goolal badan.

Kooxda Sheekha carbeeda ayaa garoonkeeda ku soo garaacday Wes Brom 3-0.

article-3192710-2B41F28C00000578-696_636x382

Burhaanta Yaya Toure ayaa kacday kaas oo lagu eedeynayay xagaagii hore inuu ka dabcay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Laakiin jawaab ayuu bixiyay oo waxaa uu dhaliyay labada gool ee Man City qeybta hore ay ku hogaamisay.

Goolka Seddexaad City waxaa dhaliyay kabtan Vincent Kompany qeybta labaad ciyaarta.

Raheem Sterling ayaa fursad gool loo filan karay qasaariyay,Aguero ayaa badal ku soo galay halka Silva uu ahaa geesiga ciyaarta ee Man City.

Manchester City captain Vincent Kompany celebrates putting his side into a 3-0 lead against West Brom on Monday night
Yaya Toure fires City on their way and into a 1-0 lead as Baggies midfielder James Morrison fails to block the Ivorian's low drive 
City midfielder David Silva (third left) flicks the ball through the legs of West Brom's Craig Dawson as the visitors take a 1-0 lead
Baggies goalkeeper Boaz Myhill looks on in desperation as the deflected shot trickles agonisingly over the line 

Barcelona oo raadineysa mid kamid ah xiddigaheeda caanka ah koox ka iibsata

$
0
0

Kooxda Barcelona ayaa raadineysa koox ka iibsata ciyaaryahankii hore Arsenal ee Alex Song.

Kooxda reer Spain ayaan wali helin dalab ku aadan 27 jirkan oo xagaagii hore amaah ugu ciyaarayay kooxda England ee West Ham.

alex-song-west-ham

Hammers ayaa markii hore rabtay heshiiska Amaahda Song iney ku badalato mid joogta ah laakiin ma dhicin sidaa daraadeedna Barcelona ma dooneyso in amaah ay dib ugu celiso Alex kooxda Upton Park.

Barcelona ayaa dooneysay markii hore Song iney ka hesho lacagihii Arsenal ay 2012 ugu soo iibsadeen ee €18m laakiin waxaa ay haatan diyaar u yihiin iney lacagaha lagu iibsanayo ay dhimaan.

Song ayaa West Ham xagaagii hore u ciyaaray 28 kulan oo Premier league.

Hadii koox qaadata la waayo Xiddigan waxaa ay ka dhigan tahay taas Barcelona iney keydka fariisiso.


Xiriirka FA oo maanta u fariisanaya racfaanka Chelsea ay ku dooneyso Thibaut Courtois.

$
0
0

Kooxda Jose Mourinho ee Chelsea ayaa maanta sugeysa waxaa ay ka yiraahdaan xiriirka FA ee dalka Ingiriiska racfaan qaadashada goolhayahooda Thibaut Courtois.

Chelsea ayaa u ololeyneysa in racfaan ay ka qaadato roosaha goolhayaha la siiyay kulankii Swansea City isbuucaan kulankooda furitaanka.

thibaut-courtois-chelsea

Ninka reer Belgium ayaa ku riday diilinta ganaaxa dhexdeeda weeraryahanka Swansea Bafetimbi Gomis taas oo keentay in roose la siiyo rigoorana laga dhigo.

Roosahaas waxaa uu ka dhigayaa Thibaut Courtois inuu seego kulanka Derbiga ee Ahmiyada weyn leh ay Chelsea la ciyaareyso Man City oo goolal badan xalay ku soo xaaqday West Brom.

Laakiin Jose Mourinho ayaa rajeynayaa go’aan fiican inuu ka soo baxo dhageysiga kiiskan oo maanta dhacaya.

Asmir Begovic ayaa lagu badalay Thibaut Courtois kulankii ugu dambeeyay ee ku dhamaaday 2-2.

Rasmi:Kooxda AS Roma oo ku dhawaaqday Seydou Doumbia inuu ku biiray CKSA

$
0
0

Arinta Yaabka leh mudooyinkan ayaa waxaa ay tahay xiddigaha cusub kooxahooda lama qabsadaan ,oo maxaa dhacayna markan.

Kooxda Roma ayaa iska fasaxday kaliya 7 bilood uu la joogay weeraryahankeeda madow ee Seydou Doumbia kaas oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee CKSA Moscow.

doumbia-kucka490epa_0

Ciyaaryahanka reer Ivorian ayaa kooxda caasimada Italy ugu soo biiray dhamaadkii bishii January suuqa kala iibsiga balse waa ay deyriyeen kaliya labo goo marka uu dhaliyay 13 kulan uu ciyaaray horyaalka Serie A.

Roma ayaa xaqiijisay Seydou Doumbia inuu ugu biiray CKSA Moscow heshiis amaah ah oo ilaa bisha January uu ugu mid ahaanayo.

Roma waxaa kale oo ay sheegtay iney dhici karto in xili ciyaareedkan oo dhan uu u ciyaaro iyaga.

Yarkan ayaa u xeran doona kooxdiisii hore ee CSKA Lambarka 88 waxaana lagu daray durba liiska kooxdaas ugu qeybgalaya isreeb reebka play-off-ka Champions league.

Real Madrid oo toddobaadkan isku xaq ka dhigeysa Sergio Ramos iyo Cristiano Ronaldo

$
0
0

Sergio Ramos ayaa la sheegayaa inuu isbuucaan u hibeynayo mustaqbalkiisa kooxda uu wax  ku noqday ee Real Madrid isagoo saxiixaya heshiis waqti dheer taas oo soo afjari doonta inuu ku biirayo Manchester United.

Kadib markii Ramos uu Madaxweynaha Real Madrid u ogolaan waayay in mushaarka uu u kordhiyo kooxda England oo daafac raadis aheyd ayuu damac ka hayay kabtanka cusub ee Real Madrid.

sergio-ramos-real-madrid

29 jirkan ayaa labo jeer kakacay miiska wadahadalka oo ku adkeystay inuu baxayo hadii qadaadiicda loo kordhin waayo.

Laakiin haatan wararka ay qoreyso Cuatro Ramos ayaa isbuucaan gudihiisa waxaa uu Real Madrid u saxiixayaa heshiis shansano ah oo uu ku sii joogayo garoonka Bernabeu.

Waxaa la fahansan yahay heshiiskan Cusub ee Ramos  inuu yahay kan Cristiano Ronaldo uu ka qaato Real Madrid kaas oo ah kaliya ahaa xiddiga ugu mashaarka badan sanadka kooxda Spain.

Kabtanka ayaa muujiyay inuu muhiim u yahay Real Madrid sida Ronaldo oo kale marka uusan ka mushaar yaraan.

Real Madrid oo dalabkii ugu dambeeyay u direysa David de Gea(Deeq Ama Deyro

$
0
0

Real Madrid ayaa dalabkii ugu dambeeyay isbuucaan waxaa ay u gudbineysaa kooxda Manchester United kaas oo ay ku dooneyso goolhaye David de Gea.

24 jirkan ayaa lala xiriirinayaa inuu goolhayaha koowaad ka noqdo garoonka Bernabeu xagaagan laakiin wali labada koox ayaan heshiis ka gaarin arintiisa.

manchester-united-david-de-gea

Sida laga soo xigtay ABC Sports Real Madrid ayaa u sheegtay Red Devils In markan ay ugu socdaa dalabkoodii ugu dambeeyay ee goolhayahooda.

Real Madrid ayaa ka codsatay United inta uusan suuqa xermin ay gaaraan go’aankooda ugu dambeeya ee David de Gea hadii ay heysanayaan ama ay fasaxayaan.

Los Merengues waxaa ay ku dooneysaa David lacag dhan £17.7milyan halka United ay ku dooneyso £24.75milyan.

Van Gaal ayaa ciyaaryahanka Spain ka saaray kooxdiisa Premier league ee Tottenham Hotspur la ciyaaray sabtidii waxaana uu sheegay in qilaaf uu kala dhaxeey xiddiga kooxda.

Kevin De Bruyne oo u sheegay kooxdiisa inuu rabo Manchester City

$
0
0

wolfsburg-kevin-de-bruyne

Kevin De Bruyne ayaa la sheegay inuu u sheegay kooxdiisa Wolfsburg inuu doonayo inuu ka tago kuna biiro kooxda Manchester City.

Blues ayaa la fahansan yahay ciyaaryahankii hore Chelsea iney ku dooneyso lacag dhan £47m kadib dalabaad badan oo laga soo diiday.

Ilo muhiim ah oo ay heleyso majalada The Mirror De Bruyne ayaa iska diiday heshiis uu ku qaadanayo £150,000-kun oo ay siineyso kooxdiisa waxaana uu doonayaa inuu u dhaqaaqo Premier league.

City ayaa ku kalsoon in dalabkan cusub ay ku qanci doonto kooxda Germany.

De Bruyne ayaa qeyb ka ahaa xiddihii kooxdiisa ee 4-1 ugu adkaaday Sabtidii kooxda Stuttgarter Kickers.

Man City ayaa u baahan heshiiska iney soo gaba gabeyso goor hore oo isbuucaan si Kevin De Bruyne uu u ciyaaro kulanka Chelsea ay wajahayaan Axada.

Viewing all 1718 articles
Browse latest View live